Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

SHEEKO JACEYL AH

Welcome To muna jacayl Photo 2 Buuga Dhacdooyink Iyo Qisooyinka Jaceylka Heeso Qoran HEESO BADAN OO QORAALA SHEEKO AAD U XIISO BADAN SAWIRO  SAWIRO  Guest Book   JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL KU soo dhawow abwaan c/fataax hasan sh. muumin Welcome To My Homepage What's New SHEEKO JACEYL AH What's New

LABA SHEEKO OO AAD U XIISO BADAN

sheekadani waxay ku dhacday inan dhowr iyo labaantan jir ah maalin maalmaha ka mida isaga oo hor maraya macdaar wayn oo lagu iibiyo dharka islamarkaana uu isha ku dhuftay gabdh horjoogta oo uu markii inanku u maleeyay inay micdaarka ka masuul tahay ,inankiii markii uu gurigii ku noqday ayuu dareemay (jacayl) isaga oo aaminsan in aragtidii gabadhii macdaarka laga raacay muddo markii uu ninkii ahaa bukaan jiif ee wadaad iyo qaraanba lagala daalay sida la sheegay ayay khasab noqotay in la qaado inankiii inta garbaha la qabtay lana horgeeyo macdaarkii si ay ergadiisu ugu dacwooto iyada oo badbaadinaysa nolosha inankan tabaalaysan . Haddaba odayadii inanka raacay oo ay ka go`nayd inay gabadha uu caashaqay u soo gacan geliyaan ayay arrin lama filaana ku noqotay inay hor istaageen macdaarkii dabadeedna arkeen gabadh quruxi ku dhammaatay oo aad loola dhacay labiskeeda laakiinse nasiib darro caag ahayd oo la sheegay inay xayaysiis u taallo goobta . Inkasta oo uu inankiii jacaylku hayay iyo tolkiiba dhulku la wareegay haddana halkii ayuu kaga dhawaaqay inuu caafimaaday maadama ay gabadhii caag ka noqotay, dabadeedna si nabadgalyo badan ayay halkii ka soo wada lugeeyeen!! : Keyse Daahir Mohomed Hargeysa Somaliland" Phone: 252 -2- 4106906

sheekadii labaad oo aad u macaan

LAA LABIILAA qurux iyo qaayo labaduba mataano ayey u yihiin,waxaa ay ku dhalatay dhul buura dhaadheer dhadada iyo dharabtuna ebbe ku gogley,abtirsiinteeda wali lama helin laakiin waxaa ay heyb wadaag yihiin Tafase ,waalidkeed kama dheera deegaanada Megala iyo axum(aksuum)habeenka ay dhalatay caddo ayuu ahaa dhamaan deegaanada damaashaad diineed ayaa kajiray,dharka habeenkaa la sitay cadaan ayuu ahaa,munaasabada ayaana keentay in la xirto, waxaa marti loo ahaa buurta Laalabiilaa,waa buur barakada iyo barwaaqadu ku dhaleen sida ay rumeysan yihiin ehelka deegaanku,sidaa ayeena Magaca laalabiila ku hanatay nasiibna ugu yeelatay. Laalabiilaa Waxaa ay jaceyl dawakhsan waayuhuna daamuray ay u qaaday ABAADIR Maalintii raadintiisa ayey ku jirtaa habeenkiina dhakafaarkiisa ayey waheshataa,quud iyo qoryo midna xasuus umalaha,oonbaa biyaha loo cabaa uumitana gaajo,sharaabkeedu waa araga ABAADIR quudkeedu waa maqalka dhawaaqiisa,indha dooksigeedu waa muusoodkiisa,la dhaqan iyo la diin maaha, daris wadaag ayey yihiin, jaara fiicana iskuma aheyn, awowyaashood ayey colaadi dhexmartay lexejeclo dhul iyo diineed ayaa labadood reer uhoreesay,jaceyl dhagoola ah hadimo badanaa arami iyo waran inkaaranaa,lafaheedii ayuu ruugay dhuuxeedii ayuu shubay saanteedii ayuu magaadiyey dheeheedii ayuu culay,labeentii dhabanadeeda wuu leefay. ABAADIR kama qarsoona hamuunka ay u qabto LAALABIILAA iyo heybintiisa laakiin waxaa uu goconayaa waranka ku taagan boqonta awowgii oo wali ka dhextaahaya qabriga, waxaa uu goconayaa godobtii ay dariskiisu ka galeen,jaceyl kasta oo uu la anaba qaado LAALABIILA waxaa isku gudbaya ceryaamo dabeelo wadata dhanbaalo sooyaalana tuseysa ABAADIR. LAA LABIILa inbadan ayey kutaamtay inay fursad uhesho ABAADIR oo fadhiya bustaanka inbadan ayey ku cataabtay in ay nasiib u yeelato in ay wadada kula kulanto. waa galab waa casar gaab waxaa hardamaya cadceeda dheelmaneysa iyo dhererka buuraha waxaa wali godkii lagu kari laayahay ileyska cadceeda oo cilaan casuusa ku dheehay baxara saafka ku teetsan buuraha,waxaa si kadisa gees uga soo baxay ABAADIR,falaarihii cadceedii dhaceysay ayaa ka qariyey sheeda ayey ka eegtay,gacmaha ayey gabaad uga dhigtay shucaaca qoraxda, dhawaaq ayey maagtay si uuna uga libdhin magacii ayey ku saxatay, orad ayey hawootay maradii ayaa lagaday qeylo dhaanso ayey maagtay waqtiga ayaana u hiilin,ABAADIR ma sii hakan horey ayuu u sii hadaafay isaga oo aan hareeraha eegin,qalbiga oo buste qoyana ayey la soo laabatay indho ilmadu caseysay ayey la soo hoyatay, oh.. jaceylku arxan daranaa ma LAA LABIILA ayuu boholyow ugu daray ABAADIR, ba,ay jaceylow waxii arxan ku mooday ayaa adhax waayey, qeys iyo jamiil ayaad iilka seexisay cilmina ka daba geysay,ma LAALABIILA ayaad maantana seexin doontaa iilka. LAALABIILA kama quusan kamana daalin way raad qaaday habeenba halka u kuhooydo ayey heybisaa calaacal ayey ugu geeraartaa, gabay iyo sugaan waxii ay heysay romance ayey ka dhigtay cinwaana ABAADIR ayey uga dhigtay, shinbaraha duulaa fariin in ay u sidaan ayey moodaa haadka duulaa waxaa ay jeclaataa in uu hago dulgeeyana halka uu ABAADIR joogo. ABAADIR noloshu kuma simin ayaamana ma sii noolaan dad kii ugu dhawaa ayaa boqnaha gooyey halboolaha jaray,waa uu ogaa in LAALABIILA jaceylkeedu dhayid iyo daawo u noqon karin markasta oo uu gocdo jaceylka ay u qaadeyna waxaa dooxayey gabood falkii ay reerkoodu u geysteen, waxaa hadimo ku ahaa muqaal ahaana u imanayey minbarakii macatabka la suray, waxaa ruxaya adinkii dawanka lagu badalay,laakiin isma laheyn waxaa ku dooxi doona ka dhiigu walaaleeyey . LAA LABIILA waxaa ay maqashay dhaawaciisa waxaa ruxmay dareenkeeda waxaa ay guclo iyo habeen dhex ku soo jirto goor danbe ayey timid,waxaa ay si aan hagad laheyn u beegsatay qolkii loo tilmaamay dadka hor socda xis uma laheyn dareen iyo hamuun ayaa hagayey, albaabkii qolka uu jiifay ayey beeg satay oo ahaa cirifka bari ee isbitaalka inta ayna gudaha u talaabsan waxaa hakiyey celiyeyna dhaqtarkii una sheegay in aana la gali karin gudaha, walaac ayaa saaqay uurku taalo ayaa shiday waxaa ay ku cataabeysay (ma aniga oo aan arag dheeftiisana qaadan ayuu hoyanayaa aakhiro iyo halkii loo badnaa tagayaa, miyuu iska joogo miyaan dhabata ku hayo timahana huwiyo dhaxantana gabaad uga noqdo,) intii ay isla hadleysay ayaa waxaa soo baxay dhaqtarkii dadkiina u sheegay in uu ABAADIR dhintay aakhiro iyo halkii loo badnaana u hooyday wax dardaaranana ka tagin, qeylo iyo baroor ka dib gees ayey LAALABIILA u istaagatay waxaana ay go,aansatay in ay ka mid noqoto dadka qeybsanaya kuna hardamaya dhaxalkiisa madaamaa ay aheyd dhibanihii jaceylkiisa, waxa kaliya ee iloosiin karaana uu yahay in ay saami ka hesho dhaxalkiisa, waxaana garab qabtay isheysiga iyo hardanka qowsikii ABAADIR oo in ka mid ahi ay LAALABIILA jaal noqdeen. waagii ayaa soo kaahay soo bildhaanka qoraxdii aroryaad ayaa soo dhaw, dhawaaqii diiguna waa istaagay, LAALABIILA cirif ayey istaagtay iyadoo leh calaf uma yeelan ABAADIR cumrina iima harin waa inaan huleelaa halkuu dagayey beegsadaa wahelna soo helaa, wayna dhaqaaqday iyadoo shucaacii subax toosh u yahey shinbiraha kalahayaana wahelkeeda yihiin... by waxa soo diyaariyey Diyariye Adan Nuux Dhuule

Others

My About page is also a great place to give information about others involved with my site's topic, such as the leaders of my organization, club, or company; an ancestor; my family; and so forth.

My Contact Information

Links to Other Sites