Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Custom 4

Welcome To muna jacayl Photo 2 Buuga Dhacdooyink Iyo Qisooyinka Jaceylka Heeso Qoran HEESO BADAN OO QORAALA SHEEKO AAD U XIISO BADAN SAWIRO  SAWIRO  Guest Book   JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL KU soo dhawow abwaan c/fataax hasan sh. muumin Welcome To My Homepage What's New SHEEKO JACEYL AH What's New

JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL

Qaybta 1-aad Sanadkii 1985-tii ayay ahayd markii Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) Cishqi aan qalbigiisa ka gurin uu u qaaday gabar ay xagga Hooyada qaraabo ka ahaayeen oo lagu magacaabo DEEQO SH.AXMED oo ay wada deganaayeen Degmada Wardhiigley agagaarka Masjidka Sheekh Biyamaalow.

Abwaanku maadaama gabadhu ay qaraabo ahaayeen guriga si toos ah ayuu ugu tegi jiray oo lagama shakin jirin, taasna waxay u sahashay inuu si fudud ugu bandhigto Jacaylka uu u qaaday, iyana horaaba loogu weynaa oo way qarsanaysee si xujo la’aan ah ayay kaga guddoontay, waxayna ku ballameen in aysan Jacaylkooda cidna u kashifin ilaa guushiisa ay ka gaarayaan.

Jacaylkii u dhexeeyay Abwaanka & Deeqo waa uu koray, waxayna ku korinayeen sheekada & kulamada haasaawaha qarsoodiga ah ee ay sida joogtada ah u yeelan jireen, iyagoo gaaray heer qofna uu kan kale ka maarmi waayo, waax Jirkiisa ka mid ah oo kalena noqdo.

Jacaylkoodii adkeysiga wuu ka tagay wuxuuna Jacaylku talo ugu soo jeediyey isla markaana ku guubaabiyey inay Lamaane sax ah oo quluubtooda kala fuqin noqdaan, isla markaana ay mustaqbalka nolosha wadaagaan, taasina way ka aqbaleen oo Deeqo iyadoo Dugsiga sare Fasalka Labaad ka joogta ayay Meher qarsoodi ah la gashay Abwaan Xasan Jacayl, waxayna ku ballameen in 2-da Sano ee waxbarashada ugu dhiman isa sii qarsadaan, marka waxbarashadaa u dhammaatana ay isla aqal galaan.

Deeqo oo Jacaylka dhankeedu ku weynaa waxay u ballan qaaday Xasan in wax kasta oo kaga yimaada dhinaca Waalidkeed ay xabbadka u dhiganayso kana difaacayso, isagana uu samirka kaashado oo dadaal badan sameeyo muddada Labadaas sano ah, wuuna aqbalay oo ka yeelay.

Labadii Cishqi isla meel dhiga, Calaf Alle isugu darro, Lamaane Caano-wadaag inay noqdaan, Cindigooda geliya, Saddexeeya & Caqabado kala dila, marna ceynkooda ma gafaane, Abwaanka & Gacalisadiis Deeqo ballaayada Jacaylka kala firdhisa ee Saddexeeyaha loo yaqaan ayaa soo dhex gashay oo Deeqo inta si xan ah wax ugu sheegeen Fannaan Naago badan maxaa ku baray oo wax kuula wadaajiyey inta la yiri Shaki & Tuhun caashaq lagu beeray, markaasaa waa Dumare inta warkii dadka qaadatay cadaadis ku bilowday Cishqigii kala dhexeeyay Abwaan xasan jacayl oo isagana bilaabay inuu difaac caashaq galo. Kor & hoos wax ugu sheegid & inuu Casharo Jacayl xambaarsan u dhigo ayuuna bilaabay, heeso dhaliil & wax u sheegid isugu jira ayuuna u meeriyey oo uu alifay.

Markii Abwaan Xasan Jacayl cadaadiskii cishqiga ku batay oo gacalisadiis Deeqo ay saluug caashaq la soo shir tagtay, isaguna uu jacayl xad dhaaf ah u hayo balse waa Dumare aysan uga garaabayn oo hadalka Saddexeeyaha ay u dheg raaricinayso ayuu inta uu is heyn waayay fakar guda galay waxaana qalbigiisa ka soo maaxatay hees calaacal & guubaabo caashaq u badan oo uu ugu magac daray TUFAAX, wuxuuna heestaas u gacan geliyey Fannaanka da’da yar ee MAXAMED LAFOOLE, sidatan ayayna u dhigmaysaa:-

=Sida beer tigaadloo, dhirtaan baxaysoo, xareeddii balligiyo, Onkodkii markaa da’ay.

=Sida loogu toosee loo tiigsadaa, anigana tufaaxii & Timirta Caashaqaan soo taabo leeyahay.

=Fili-meyn tabaaladan, tahligan igu dhacay, sidaad iigu tacadiday.

=Warankaad ku taagtiyo, tiiraanyadaadii, kalgacayl la taahaa, ku dhisaye nafteydii.

=Haddii aad wax tari lahayd, ama aad ka tegi lahayd, adigay Talo ku joogtaa.

=Ama Sheekh turxaanli’i, farligiyo salaaddii, Towbadii Ilaahay, Wejigiisa u tagay.

=Sida loogu toosee, looga wada tuf qaataa, anna Tamaradeydii, waa tale nasiib-roon, waxaan kuula taaganahay.

=Fili-meyn talaabadan, tahligan igu dhacay, sidaad iigu tacadiday.

Abwaanku dhabtii ayuu taabtay, wuxuuna Gacalisadiisa ay qaraabada hoose yihiin u sheegay runta oo inuu jecel yahay oo ka maarmin ku wargeliyey, wuxuuna ku "Haddii aad wax tari lahayd, ama aad ka tegi lahayd, adigay Talo ku joogtaa" macnaha jacaylkeeda inuusan ka maarmin ayuu tusaaleeyay, markaas ayay Deeqo soo dabacday oo gefkii uu ka tabanayay kaga soo hoyatay, wixii xilligaas ka dambeeyayna dardar Cishqi bilowday.

Abwaan xasan Jacayl wixii xilligaa ka dambeeyay waxoogaa wuu yara xasilay oo Jacayl dhab ah ayuu dhadhamiyey, wuxuuna dhararayay muddada Labada Sano ah ee Waxbarashada Dugsiga sare ay ka dhamaynayso oo ahayd xilligii ay ku ballameen aqalgalka maadaama meher aan cidna la ogeyn uu ka dhexeeyo, qof waliba uu kan kale ka maarmi kareynin.

Laakiin Abwaanka oo inta badan Ruwaayado & bandhig fanneedyo u qaadayay gobollada dalka ayaa isagoo safar gobollada ugu baxay mar baabuurkii uu raacay uu la soo marayo meel u dhexeysa QARDHO & GAROWE oo la yiraahdo XALIN waxaa maskaxdiisa ka soo maaxatay hees uu ugu magac daray KAALAY XARIGA ILA QABO, heestaas oo uu Abwaanka oo isaga qudhiisa uu ku luuqeeyo ayaa waxay ku bilaabanaysaa sidatan:-

lasoco qaybaha danbe

Insert Sub Header Here

Heestaa uu Baabuurka ku dhex sameeyay Abwaanku oo isaga qudhiisa uu ku luuqeeyo ayaa waxay ku bilaabanaysaa sidatan:-

=Xamar iyo Hargeysiyo, Xalin iyo Kismaayiyo, Xeebaha Berbera iyo, Xaafuun intaan tagay, Xaradheere soo maray.

=Hablo wada xariiroo, Xuural cayn la moodoo, Xamdi iyo Suleeqiyo, Xaali iyo Firdowsaa, Xodxodada ku kulanaa.

=Xubbigiyo nafteydiyo, adaan dookha kuu xulay, Nabsi lama xambaartee,   inta aan xayiga ahay, een xabaasha lay dhigin, kaalay xariga ila qabo.

=Xudur iyo Wajaaliyo,  Xiis iyo Badhaadhiyo, Ximan iyo Gadoon, iyo Beled-xaawo tegayoo, Xiintoyda soo maray.

=Hablo wada xariiroo, xuural ceyn la moodoo, Xabiiba iyo Rowda iyo, Xadiya iyo Faadumo, Xodxodada ku kulanaa.

=Xubbigiyo nafteydiyo, adaan dookha kuu xulay, Nabsi lama xambaartee,   inta aan xayiga ahay, een xabaasha lay dhigin, kaalay xariga ila qabo.

Abwaan Xasan Jacayl markii miraha heestaas qalbigiisa ka soo maaxdeen, wuxuu laxan ku saaray isla markaana kaga shanqariyey Magaalada Muqdisho, waxaana isla markiiba lagu xareeyay qolka Keydka Cajaladaha ee Raadiyow Muqdisho oo haatanba sida uu inoo sheegay laga heli karo.

Gacalisadiis Deeqo Sheekh Axmed ayuuna Cajaladdii heestaas u keenay oo iyana ku qanacsaday oo ku maqsuuday.

Jacaylkoodii ayaa sii laba lixaadsaday oo cirka isku shareeray, sirtii Caashaq ee u qarsoonayd Labadooda ayaa shaaca ka qaadantay oo iskeed u kashifantay (ileyn qof & Jacayl midna ma qarsoomi karee), arrintaasna waxay dhalisay in shaki dhinicii waalidka ah uu yimaado, balse iyagu way ku inkireen oo sidii ballantu ahayd ilamaa Deeqo Waxbarashadeeda ka idleysanayso waxay ku dadaaleen inta karaankooda ah inay qariyaan, balse awoodii qariska way ka tan badisay oo karka caashaq kuleylkiisa ayaa ceshoomi waayay.

Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) oo ah abwaan fiiro dheer dhinaca Caashaqana ku dheereeya ayaa markii uu  dersay heerka Xubigiisa & culeyska ku soo wajahan waxa uu gacalisadiis kala tashaday in arrinta qaabka ay ku socoto wax laga bedelo, taasoo laga yaabo inay dhibaato & kala har u sababi karto, wuxuuna soo jeediyey in qariska iyo humaagga ay ka saaraan Cishqigooda oo ay shaaca ka qaadaan.

La soco qeybta kale insha alah

Qaybta 4-aad

Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud(Xasan Jacayl) oo ah abwaan fiiro dheer, isla markaana dhinaca Caashaqa ku dheereeya in badan ayuu  dersay heerka Xubigiisa gaaray & culeyska ku soo wajahan, markaas ayuu gacalisadiis u soo jeediyey  tashi ah in arrinta qaabka ay ku socoto wax laga bedelo, isagoo u sawiray in   laga yaabo inay dhici karto dhibaato & arrin kala har ku keeni karto ayna soo wajahi kart fadqalado & fawdo, wuxuuna gacalisadiis ka codsaday in qariska iyo humaagga ay ka saaraan Cishqigooda oo ay shaaca ka qaadaan, balse Deeqo Sh.Axmed taasi way ku gacan seyrtay oo waxay tiri wixii humaag & mugdi ah ee na soo wajaha waan iska xijaabaynaa, dhankeygana haka cabsi qabin in madmadow ka yimaado, adigana dhankaada ka xaji, wixii kale ee bannaanka nooga yimaadana waan iska wada difaacaynaa, anigana Dugsiga sare sanad qura ayaa igaga harsan ee aan dhamaysto sidii aan ku ballanayna markaas ayaan aqal galaynaa oo ka baxaynaa cannaadka & gumaadka Cishqigeena lagu hayo.

Xasan jacayl waa nin Cishqiga Deeqo uu ku gaamuraye wuu ka aqbalay oo ka yeelay talo soo jeedinteeda, wuxuuna dulqaad u yeeshay wax kasta oo soo wajaha iyo carqalad kasta oo ku timaada, inkastoo uu ka cabsi ka qabay dhanka waalidkeed, gaar ahaan Hooyadeed oo ay qaraabo hoose ahaayeen taasoo uu ku ogaa kulkuleyl & inay tahay qof dareen & feejignaan dheer leh, isagoo diidanaa in uu ku fashilmo meherka hoose ee la galay gabadhaas, wuxuuna ku Alle baryi jiray inta ay guusha ka gaarayaan in qorshahoodu uusan fashilmin.

Abwaanku muddadii jacaylkaas Kadeedka badan ee qariska labada sano ah uu ku jiray heeso badan ayuu ka sameeyay, waxaana heesahaas ka mid ah heesta caanka ah ee uu ku luuqeeyo fannaanka...

La soco qeybta  kale (Insha Allaah)

Qeybta 5aad

Abwaanku muddadii jacaylkaas Kadeedka badan ee qariska labada sano ah uu ku jiray heeso badan ayuu ka sameeyay, waxaana heesahaas ka mid ah heesta caanka ah ee uu ku luuqeeyo fannaanka C/qaadir Macalin Jubba oo uu ku muujinayay Abwaanku sida weyn ee uu Jacaylka ugu hayo Deeqo Sheekh oo Jacaylkeedu uu ku sii fiday, heerkii uu horey u taagnaana uu ka sii sara maray    isagoo kaga codsanayay inay uga hiiliso dhibta Caashaq ee heysata, ayna noqoto mid uu isku halayn karo oo diradiraale & dadka warxumo tashiilka ah ee caqabadda ku ah ay ka gaashaamanto, heestaasna waxay u qormeysaa sidatan:-.

=Waa I helay Jacayloo, hami igu badnaadiyo, waan hubaa kalgacaloo, wey hayaa dhibtiisee.

=Sida Haadka leylkii, heehaabo mooyee, hawl yari ma seexdoo, habeenkoo bar tagay baa, la I kaa horkeenaa.

=Waa howl adduunyee, ma ii hiilineysaa, qofba waa kalkiisee, ma ii hagar baxaysaa, waa halis nafteyduye, hadma hadmaa, goormaan ku helayaa?

=Hilaac iyo darruur iyo, hoobaanta liicdee, ishu halacsanaysaa, hibashadii nafteydaa, ma huraan halbowliyo, wadnahay halwanayee.

=Sida Geel haloosima, hugunkeyga baxayaa, waa hirashadaadee.

=Waa howl adduunyee ma ii hiilineysaa, qofba waa kalkiisee, ma ii hagar baxaysaa, waa halis nafteydu hadma hadma goormaan helayaa.

Heestan qiirada badan leh waxay kicisay dareenka dhabta ah ee ku beeran Deeqo Sheekh oo dhab ahaantii jawaab cad ka bixisay uguna abaal guday inay Jacaylka uu u qabo Walaalkeed Abwaan Xasan Jacayl tiir dhexaad aan liicin u noqoto oo ka run sheegto, waxayna ballan uga qaaday inay  dhaxanta caashaqa ka xigsan doonto oo dhankeeda wax ceeb ah uga imaanaynin.

Abwaan Xasan Jacayl & Deeqo Sheekh waxay isla maaleen gaaxda Caashaqa oo ay si daacadnimo ah ku laba liseen, ha dhicin, ha jebin erey xun kuuma quuro iyo hadalo kale oo macaan ayaana halheys u ahaa, run ahaantiina labo isku qanacsan oo la isla dooray ayay ahaayeen.

Inkastoo xaalkoodu sidaa ahaa haddana waxaa jiray dad badan oo aan Lamaanayaashaa Jacayl wadaaga ah isla rabin oo ka dhex waday isku dir, fowdo, una kala dab qaadi jirey iyagoo u kala geynaya hadalo huu haa & been abuur ah oo tashwiish ku furaya caashaqooda.

La soco qeybta kale (Insha Allaah)

   JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL

Markii Abwaan Xasan Jacayl cadaadiskii cishqiga ku batay oo gacalisadiis Deeqo ay saluug caashaq la soo shir tagtay, isaguna uu jacayl xad dhaaf ah u hayo balse waa Dumare aysan uga garaabayn oo hadalka Saddexeeyaha ay u dheg raaricinayso ayuu inta uu is heyn waayay fakar guda galay waxaana qalbigiisa ka soo maaxatay hees calaacal & guubaabo caashaq u badan oo uu ugu magac daray TUFAAX, wuxuuna heestaas u gacan geliyey Fannaanka da’da yar ee MAXAMED LAFOOLE, sidatan ayayna u dhigmaysaa:-

=Sida beer tigaadloo, dhirtaan baxaysoo, xareeddii balligiyo, Onkodkii markaa da’ay.

=Sida loogu toosee loo tiigsadaa, anigana tufaaxii & Timirta Caashaqaan soo taabo leeyahay.

=Fili-meyn tabaaladan, tahligan igu dhacay, sidaad iigu tacadiday.

=Warankaad ku taagtiyo, tiiraanyadaadii, kalgacayl la taahaa, ku dhisaye nafteydii.

=Haddii aad wax tari lahayd, ama aad ka tegi lahayd, adigay Talo ku joogtaa.

=Ama Sheekh turxaanli’i, farligiyo salaaddii, Towbadii Ilaahay, Wejigiisa u tagay.

=Sida loogu toosee, looga wada tuf qaataa, anna Tamaradeydii, waa tale nasiib-roon, waxaan kuula taaganahay.

=Fili-meyn talaabadan, tahligan igu dhacay, sidaad iigu tacadiday.    

Abwaanku dhabtii ayuu taabtay, wuxuuna Gacalisadiisa ay qaraabada hoose yihiin u sheegay runta oo inuu jecel yahay oo ka maarmin ku wargeliyey, wuxuuna ku “Haddii aad wax tari lahayd, ama aad ka tegi lahayd, adigay Talo ku joogtaa”  macnaha jacaylkeeda inuusan ka maarmin ayuu tusaaleeyay, markaas ayay Deeqo soo dabacday oo gefkii uu ka tabanayay kaga soo hoyatay, wixii xilligaas ka dambeeyayna dardar Cishqi bilowday.

Abwaan xasan Jacayl wixii xilligaa ka dambeeyay waxoogaa wuu yara xasilay oo Jacayl dhab ah ayuu dhadhamiyey, wuxuuna dhararayay muddada Labada Sano ah ee Waxbarashada Dugsiga sare ay ka dhamaynayso oo ahayd xilligii ay ku ballameen aqalgalka maadaama meher aan cidna la ogeyn uu ka dhexeeyo, qof waliba uu kan kale ka maarmi kareynin.

Laakiin Abwaanka oo inta badan Ruwaayado & bandhig fanneedyo u qaadayay gobollada dalka ayaa isagoo safar gobollada ugu baxay mar baabuurkii uu raacay uu la soo marayo meel u dhexeysa QARDHO & GAROWE oo la yiraahdo XALIN waxaa maskaxdiisa ka soo maaxatay hees uu ugu magac daray KAALAY XARIGA ILA QABO, heestaas  oo uu Abwaanka oo isaga qudhiisa uu ku luuqeeyo ayaa waxay ku bilaabanaysaa sidatan:-

La soco qeybta  kale (Insha Allaah)

Insert Another Sub Header Here

Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.